Calendar

Messi Oo Ka Caawiyay Kooxdiisa Barcelona Inay Dardaraan Atletico Madrid, Xili Ay Sii Dheereeysatay Hogaanka

Kulan Xiiso Badan oo Caawa isha lagu wada hayay ayaa ka dhacay Garoonka Kooxda Barcelona ee Camp Nou taas oo dhex marayay Labada Kooxd ee ugu Sareeya Horyaalka La Liga  ee Barcelona Vs Atletico Madtid waxuuna ku soo dhamaaday 4 iyo 1 oo Barcelona ay ku dubatay Kooxda Atletico Madrid.

Xiddiga Kooxda Atletico Madrid Falcao oo ka naxsaday Kooxda barcelona Daqiiqadii 31 ayaa hogaanka Ciyaarta mudo 5 Daqiiqo ah u Dhiibay Kooxdiisa ka hor inta uusan dhalin goolka quruxda badan ee barbareeyay Adriano Daqiiqadii 36 Waxaana mar kale u Labeeyay Ciyaariyahanka Qadka Dhaxe ee Busquest ayadoo qeybtii dambe ee Ciyaarta Laba Gool uu Dhaliyay Xiddiga Lionel Messi Daqiiqadii 57 iyo 88 ay ka dhigtay Natiijada Ciyaarta Wadar ahaan 4 iyo 1 ku badisay Kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona waxeey haatan 9 Dhibcood oo nadiif ah ku heysataa Hogaanka Horyaalka waxeeyna lee dahay 46 Dhibcood waxaana ku soo xiga Kooxda ay caawa ka badisay ee Atletico Madrid oo leh 37 Dhibcood Halka Realmadrid ay lee dahay 33 Dhibcood Farqi ahaan Barcelona iyo Realmadrid waxaa u dhaxeeya 13 Dhibcood.

 

Dhanka kale Ciyaariyahanka SanadkaanWacdarada dhigay ee Lionel Messi ayaa Caawa sii dheereestay goolasha uu Sanadkaan dhaliyay labada gool ee uu caawa dhaliyay waxey ka dhigeysaa 90 Gool in uu dhalshay Sanadkaan.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: