Calendar

Ra’isal Wasaare Saacid oo maanta Tagay Magaalada Marka

Wafdi Ballaaran oo uu Hogaaminayo Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Gaareen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose halkaasi oo iminka Kulamo ay kula leeyihiin Masuuliyiinta iyo Sarakiisha Maamulka Shabeelaha Hoose.

Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.

Wararka aan Ka heleyno Magaaladaasi Marka ayaa Tilmaamaya in  Wafdiga Ra’isal Wasaare Saacid halkaasi Si Diiraan Loogu soo dhaweeyay iyadoo weli aan si Rasmi ah Loo shaacin U jeedka Booqashada Ra’isal Wasaaraha ee Magaalada Marka.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: