Calendar

Muqdisho waxaa jooga shirkaddo dadka dila – Gud. Maxkamadda

tuuryareC/rixmaan Maxamed Tuuryare oo ah guddoomiyaha maxkamada ciidanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay sheegay in magaalada Muqdisho ay ka howlgallan shirkaddu ku shaqeysta dilalka dadka,waxuuna tilmaamay inay Al-shabaab iska sheegtan dilal aysan waxba ka ogeyn.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay radiyaha ku hadla afka dowladda Soomaaliya,waxuuna sheegay in dilalka ka dhaca Muqdisho ay Al-shabaab iska sheegtaan islamarkaana ay fuliyan shaqsiyad iyo kooxo gaar ah ,wuxuuna intaa ku daray in laamaha ammaanka Soomaaliya ay arrintaas ku soo wargaliyeen.

..”‘Waan la socona dad gaar ah iyo shirkado ayaa Muqdisho jooga iyagana wax dila,Al-shabaabna way iska sheegtan oo tayar qarxayba way sheegtan,hay’adaha ammaanka ayaana sidaa inoo cadeeyey,..”‘ayuu yiri guddoomiyaha maxkamada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxuu soo jeediyey Tuuryare in ammaanka dalka uu halis ku jiro ayna socdan dadaallo wax looga qabanayo dadka wax yeelaynaya amniga dalka.

Docda kale,guddoomiyaha maxkamada sare ayaa dowladda ka dalbaday in loo dhiso xabsi lagu xiro Al-shabaab,maadama xabsiga kaliya ee wax lagu xiro uu yahay xabsiga dhexe,kaas oo aan qaadin maxaabiista.

C/rixmaan Maxamed Tuuryare ayaa ku baaqay in la taageero maxkamada ciidamada qalabka sida,oo la siiyo ciidamo suga ammaanka,si looga hortago falalka mmaandaro.

Ugu danbeeyn,waxuu sheegay gudoomiyaha maxkamada,C/rixmaan Maxamed Tuuryare,in maxkamada sare ay tahay mida kaliya ee qaata danbiyada kala duwan iyo xukunada islamarkaana ay qatar ugu jiraan in labeegsado.

Hadalkan ayaa ku soo aaday xilli ammaanka Muqdisho uu ad u liito,ayna ka dhacayan dilal iyo weerarro jogta ah.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: