Calendar

Nicholas Kay oo ka hadlay shirarka iska soo horjeeda ee Baydhabo ka socda

nick_kayQoraal ka soo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa looga hadlay shirarka iska soo horjeeda ee Baydhabo ka socda.

War-saxaafaddedka ka soo baxay Nicholas Kay,waxaa lugu sheegay inuu si hoose ula socdo shirarka ka socda Baydhabo iyo natiijadii maanta kasoo baxday mid ka mid ah shirarka Baydhabo ka socda.

“Waxaan uga baaqayaa dhammaan dhinacyada ay arrinta khusayso inay si taxadar leh u eegaan ficil kasta oo wax u dhimi kara nabadda,“ ayuu yiri danjire Kay oo ku daray hadalkiisa in waxgaradka iyo shacabku ay ka shaqeeyaan nabadda.

Labo shir oo midkood la sheegay in maamul loogu sameynayo saddex gobol iyo mid kale oo lix gobol maamul loogu sameynayo ayaa muddooyinkii danbe is-barbar socday, waxayna taasi dhalisay qilaafyo siyaasadeed.

Waxaana jirta in mid ka mid ah shirarkaas maanta lagu doortay hoggaan, iyadoo qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta ay ku kala aragti duwan yihiin shirarka.

Ergaygu waxaa uu dhinacyada ku shiraya Baydhabo ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara gacan-ka-hadal wax u dhimaya amniga,waxaana uu qoraalkiisa raaciyey inay muhiim tahay midnimada iyo helidda Soomaaliya oo xasilan oo uu ka hir-galo nidaam federal ah.

Waxaa uu soo hadal qaaday Nicholas Kay baahida loo qabo in dowladda ay dar-dargeliso wajibaadkeeda ku aaddan hannaanka dhismaha maamul ee Soomaaliya, iyadoo ku hoggaamineysa hab loo dhan yahay.

“Waxaan daremayna in xaaladda ka jirta magaalada Baydhabo ay tahay mid bidhaaminaysa baahida deg-degga ah ee loo qabo in dowladda Soomaaliya ay dadajiso shaqadeeda ku aaddan habka dowlad-dhisidda Soomaaliya, waana inuu noqdaa hab loo wada dhan yahay oo ay ku jirto in la dhiso qorshe howleed tafaftiran, haddana wakhtiyeysan, kuna aaddan samaynta dowlad-goboleedyada, dhamaystirka dastuurka iyo sidoo kale dimuquraadiyeynta dalka marka la gaaro sannadka 2016-ka.”ayuu yiri Kay.

Waxaa kalo lugu soo qaaday war-saxaafadedka ka soo baxay kale Nicholas Kay,baaq uu udiray hoggaamiyeyaasha siyaasadda, odayaasha iyo qeybaha bulshada,waxaana uu sheegay inay ka go’naato wada-hadalka siyaasadeed, isla markaana la tixgeliyo Dastuurka Federaalka ah ee Kumeel-gaarka ah iyo heshiisyada jira.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: