Calendar

Oday dhaqameed lagu diley Baladweyne

Gudoomiyihii odayaal dhaqameedyada gobolka Hiiraan ayaa lagu magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Sheekh Maxamud Sheekh Xuseen ayaa markii la dilayay waxa uu ku sugnaa bartamaha suuqa way nee Baladweyne, iyadoona ay goobjoogayaal inoo xaqiijiyeen iney dilka geysteen labo dhalinyaro ah oo markii danbe baxsaday.

Marxuumka ayaa waxa dhawaan ay odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan u doorteen inuu u noqdo gudoomiye, iyadoona la ogeyn sababta ka danbeyso dilkiisa.

Magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa gacanta waxa ku hayo ciidamo dowlada taageersan iyo ciidamada Dalka Djibouti oo qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta afrika ee (AMISOM).

Waxa soconayo baaritaano lagu raadjoogo cidii ka danbeysay dilka iyadoona ciidamo badan magalada lagu soo daadiyey.

Baladweyne ayaa amaankeeda waxa uu yahay mid aan aad u wanaagsayn, waxana ka dhaco dilal qorsheesan oo shaqsiyaad lagu bartilmaamaysanayo, iyadoona mararka qaar ciidamada dowlada ee gacanta ku hayo ay geystaan falal xad gudubyo ah.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: