read more »">
Calendar

Puntland oo gaashaanka ku dhufutay shirweynaha ay dawladu ku baaqday ee ka dhacaya Muqdisho

-Warsaxaafadeed kasoo baxay dawlada Puntland ayaa lagu sheegay in shirka dhawaantan ka furmaya Muqdisho inuu yahay mid ay dawlada federaalka ahi ku doonayso inay ku baabi’iso awooda maamul goboleedyada oo awooda dalku ay isugu ururto gacan kaliya.

Waxaana qoraalka lagu sheegay in Puntland go’aankeedii ahaa inay xiriirka u jartay dawlada federaalka ahi inuu yahay biyo kama dhibcaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in horraanta bisha September ee soo socota la qaban doono shirweyne Qaran oo socon doona muddo shan maalmood ah si bulshada looga qayb-geliyo siyaasadda dalka.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaban-qaabinayso shirweyne Qaran oo lagu qaban doono Muqdisho inta u dhaxeysa labada illaa lixda bisha September, kaasoo loogu gogol-xaarayo sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa sanadaha soo socda nidaamka doorasho ee xorta ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay go’aamisay in horraanta September Muqdisho lagu qabto shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo sidii loo meel-marin lahaa wixii lagu ballamay oo ah inay Soomaaliya ka dhacaan  doorashooyin xor ah.

Shirkan ujeeddooyinkiisu waxaa ka mid ah in dowladdu ka qayb-geliso arrimaha siyaasadda bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Sidoo kale, afhayeenka madaxtooyada wuxuu hadalkiisa ku daray in looga hadli doono shirkaas qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib u habeynta iyo dhaqan-gelinta dastuurka, in dalku yeesho xisbiyo siyaasadeed, xoojinta hay’adaha dowladda,  hirgelinta federaalka iyo sidii awoodaha loo qaybsan lahaa.

Afhayeenka wuxuu xusay in shirka la keeni doono khubaro arrimaha looga hadlayo ku takhasusay.

Shirkan ayaa la sheegay inay ka qaybgalayaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, uuna ka mid noqon doono shirarkii horay loogu qabtay dalka, si shacabku ay aragtidooda uga dhiibtaan fulinta qodobbada horyaalla dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkan Muqdisho ku qabatay shirar looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin garsoorka dalka iyo waxbarasha kuwaasoo ay kasoo baxeen qodobbo dhowr ah, balse aan weli la hirgelin.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: