Calendar

SAWIRRO: Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo Maanta ku dhawaaqay Aas-aaska Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ku dhawaaqay in la aasaasay golaha amniga Qaranka Soomaaliyeed oo leh xogheyn gaar ah oo dabagal ku sameysa fulinta go’aannada golaha amniga Qaranka.  Madaxweynaha oo furitaankii shirkii ugu horreeyey shir guddoominayay maanta ayaa yiri:

“Golaha amniga Qaranka Soomaaliyeed waa hay’adda ugu sarreysa Qaranka oo dajinaysa siyaasadda iyo istraatiijiyada amniga guud ee Qaranka Soomaaliyeed si loo sugo amniga iyo xaquuqda shacabka oo ay ugu horreyso amniga rayidka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.“

Golaha amniga waxaa shir-guddoominaya madaxweynaha Somalia, waxaana xubin ka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wasiiradda difaaca, kan arrimaha gudaha iyo amniga, maaliyadda, arrimaha dibadda iyo garsoorka.

Sidoo kale waxaa xubno farsamo ka ah taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka, sida taliyaha booliiska Soomaaliyeed, taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka iyo taliyaha ciidamada ilaalada xabsiyada ama asluubta.

Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkiiba mar lagu wadaa inay ku kulmaan oo ay dejiyaan istraatejiyada iyo siyaasadda amniga dalka. Xogheyntana laga sugayaa inay xiriirka iyo dhaqan-gelinta go’aanadda daba-gal ku sameeyaan.

Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya loo sameeyo gole noocan oo kale ah, waxaana aasaaskiisa uu kusoo beegmayaa xilli uu ammaanka Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay dowladdu ka taliso uu faraha kasii baxayo.

Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya ayaa waxaa sannadkan oo keliya ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarumaha muhimka ah ee dowladda iyo kuwa hay’adaha samafalka ee dalka jooga oo ay ku jirto xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.  Dhammaan weerarradaas waxaa sheegtay xoogagga Al-shabaab oo Muqdisho laga saaray bishii Ogoosto ee sannadkii 2011, waxayna dhowr jeer oo kale ku hanjabeen inay weerarro noocaas oo kale ah fulin doonaan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: