Calendar

Qaramada Midoobay oo ka Fikireysa in Soomaaliya laga qaado Xayiraadda Hubka

Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Banki Mon ayaa waxa uu sheegay in  Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in dib u eegis ay ku sameynayaan  Xayiraadda Hubka ee Saaran Soomaaliya.

Ban ki Mon ayaa sheegay in Lama Huraan ay tahay in Laga Jawaab Bixiyo Dalabyada soo noq noqday ee dowladda Soomaaliya ee ku aadan qaadista Xayiraadda Hubka ee Saaran Soomaaliya Mudada kabadan 21 ka sano.

Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay ayaa Tilmaamay in ka qaadista Xayiraadda Hubka ay Soomaaliya ka Caawineyso Dib u dhiska Ciidmada qalabka Sido iyo Cirib Tirka Kooxda Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Ban Ki Mon ayaa Sidoo kale Xusay in Haatan La Joogo Xilligii ugu Habonaa ee Soomaaliya Laga qaadi Lahaa Cunna qabateynta Hubka.

“ Soomaaliya waxa ay Gashay Isbedel Cusub waxayna Yeelatay dowlad Cusub oo wax qabadkeedu uu Muuqdo” Sidaasi waxaa Yiri Xoghayaha  Guud Ee Qaramada Midoobay.

Hadalka Ka soo baxay Ban Ki Mon  ayaa waxa uu Imaanayaa Xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud uu horay Kaga Codsaday Beesha caalamka isagoo ka qayb Galaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika in Soomaaliya laga  qaado Xayiraadda Hubka sidoo kalena kulan Gaar ah uu Magaalada Adis kula qaatay Ban Ki Mon uguna baaqay in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta.

Soomaaliya ayaa waxaa Cunno  qabateynta la saaray Sanaddii 1992 iyadoo ay Xusid Mudantahay in Ciidamo ka socda Midowga Afrika ay ku suganyihiin Sooamaliya kuwaasi oo Gaaraya 17,600 Askari.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: