Calendar

Dowladda Mareekanka oo Walaac ka qabta Maxkamadeynta Wariye Koronto

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda dowladda Mareekanka Haweeneyda Lagu Magacaabo Victoria Noland oo Lahadashay Warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday in Maxkamadeynta Wariye Cadbi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim ay ku saleyso Dastuurka dalka islamar ahaantaana dowladdu ay Illaaliso Xuriyadda Saxaafadda Soomaaliya.

“Tan waxa ay Tijaabo Cad u tahay  dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mustaqbalka Soomaaliya” Sidaasi waxaa tiri Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareekanka Victoria Noland.

Human Right Watch iyo Amnesty International ayaa Horay u Cambaareeyay Xarigga Wariye Cabdi Casiis Koronto iyagoona dowladda Soomaaliya Ka codsaday in Si deg Deg ah Lagu sii daayo wariye Cabdi Casiis Koronto.

Taliska Booliska Soomaaliyeed  ayaa Tobankii Bishii January waxaa ay Xabsiga u Taxaabeen Wariye Cabdi Casiis Koronto iyadoona Maanta Lagu wado in la soo Tago Maxkamad si Loo qaado dacwaddiisa.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: