Calendar

Qarax Khasaaro Badan Geestay Oo Ka Dhacay Magaalada Mombasa

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax qasaaro xooggan ugaystay ciidamo katirsan kuwa amaanka Kenya.

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in lagu weeraray meel ay ku sugnaayeen ciidamada amaanka wadanka Kenya oo ku taala magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 10-askari oo ka tirsan ciidamada amaanka wadanka Kenya ee lagu weeraray qaraxaan.

Sargaal katirsan ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada kaas oo kusii jeeday guri loogu sheegay hub iyo rag burcad ah.

Wararka ayaa sheegaya in uu ka sii badan karo khasaaraha intaasi badan karo, waxaana haatan halkaasi ka socda howlgalo ay wadaan ciidamada amaanka wadanka Kenya.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: