Calendar

qayla dhaan ka soo yeereysa dhalinyaro Soomaaliyeed oo Ku xiran Xabsi Ku yaalla dalka India

Illaa 120 Dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Mombai ee dalka India loona haysto ku lug lahaanshiyaha Falal Burcad badeednimo ayaa qaarkood oo xiriiro la soo sameeyay Warbaahinta waxa ay sheegeen in xaalad adag ay ku haysato Xabsigaasi.

Mid ka mid ah Maxaabiistaasi Soomaalida ah oo qadka taleefanka ugu waramayay warbaahinta ayaa sheegay in intooda badan ay ahaayeen Tahriibayaal eedeymaha loo haystana ay yihiin kuwa waxba Kama Jiraana isagoo ugu baaqay Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kala hadlaan dhigooda India Nolosha  dhalinyaradaasi Xittaa dowladdu ay suura galiso in dacwadooda loosoo weeceyo gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Dhalinyaradaan ayaa waxa ay sheegeen in illaa haatan aan wax Maxkamada la soo taagin si loogu qaado dambiyadaasi lagu soo eedeeyay ee xabsiga loo galiyay iyagoo tibaaxay in aaney helin cunno ku filan ayna la kulmaan tacadiyo Joogta ah oo loogu geysto Gudaha Xabsigaasi.

Dhalinyaro Badan  oo Soomaaliyeed ayaa Ku xiran Xabsiyo kala duwan oo kuwa caalamka ah kuwaasi oo la haysto dambiyo kala duwan oo isugu Jira falal Argigixisanimo Iyo Burcad badeednimo intaba.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: