Calendar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la kulmay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha.

 

4320[2]Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa la kulmay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya, Waxaana looga hadlayay in agaasimayaasha guud aysan saameyn ku yeelan xilliga kala guurka ah oo ay dowladda KMG Soomaaliya imminka ku jirto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Agaasimayaasha in ujeedada ay tahay in howlaha agaasimayaasha ay sidii loogu talagalay u shaqeyaan islamarkaana sheegay ineysan dhicin iney saameyn ku yeelato isbadalka socdo ee xilliga kala guurka ah.

Waxaana ra’iisul Wasaaraha warbixino ka dhageystay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo sida ay howlaha ku socdaan, Iyagoona Ra’iisul Wasaaraha u balanqaadeen iney waajibadkooda gudan doonaan, Islamarkaana ay sii shaqeyn doonaan inta laga soo dhisayo xukuumadd dhameystiran taa oo looga baxayo xilliga KMG.

Kulanka kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha islamarkaana ku hadlayay Afka Agaasimayaasha Mudane Bashiir Goobe ayaa sheegay ineysan saameyn ku yeelan doonin shaqada adag oo ay Agaasimayaasho hayaan islamarkaana tilmaamay iney gudan doonaan waajibaadkooda shaqo kuna faraxsan yihiin howlaha imminka soconayo ee looga gudbayo marxaladda kala guurka.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha kuna hadlayay Afka Agasaamiyasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa tilmaamay iney derder gelin doonaan howlaha loo idmey oo ay xukuumadda iyo Shacabkaba u hayaan.

ugu danbeyntii kulanka uu la qaatay Dr c/ weli gaas agaasimayaasha wasaaradaha ayaa waxa ay ku soo adeysaa xili lafilaayo iney bilaabato arimaha xulida odayaasha dhaqanka soomaaliyed oo la doonaayo iney soo xulaan xubno barlamaan oo rasmi ah.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: