Calendar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka.

imagesCACQPW13Muqdisho, Axad, April 29,04-2012 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah.

Kulanka maanta uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah, Iyadoona looga hadlayay Arrimaha Roadmap-ka, Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isgaarsiinta Maamuladda, Dhameystirka Dastuurka, Dib-u-habeynta Baarlamaanka iyo dowlad wanaaga, Iyadoona dowr muhiin ah ay dowladda ka siiyay bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsan yahay in dowladda iyo Bulshada Rayidka ah ay kala warqaataan oo ay is dhaafsadaan fikirado iyo talooyinka ay u hayaan dowladda maadaama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Bulshada Rayidka kaalin muhiin ah ka qaataan isbedelladda soo socda si loogu guuleysto hadafka ah in la helo dowladd rasmi ah oo karti leh iyo iney dalka ka saarto marxaladaha adag.

“Bulshada rayidka waa iney kaalin hogaamineed ka qaataan arrimaha bulshada sida, Waxbarashada,Caafimaadka, dhamaan adeegyadda bulshada iyo in Bulshada Rayidka lagu dhiiri geliyo iney si joogta ah ula xisaabtamaan dowladda si loo gaaro maamul wanaag dhameystiran”.

Waxaa kaloo warbixin laga bixiyay Roadmap-ka iyo hormarka laga sameeyay iyadoona la xusan in Roadmap-ka la saxiixay 6-dii September, markaa kadib waxaa bilowday in Soomaalida ay dalka gudihiisa shirar ku qabsadaan kana hadlaan mustaqbalkooda iyagoona isku xirmay gaaridda maamul gobaleedyada, Bulshada Rayidka iyo dowladda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Dastuurka la soo dhameystiray 20-kii April muddo 8 sano kadib, Dastuur ku saleysan Shareecadda Islaamka iyo xeerarka Soomaaliyeed, Wadatashiyo lala sameeyay bulshada rayidka welina ay sii socon doonaan inta laga ansixiyano dastuurka
“135 Oday dhaqameed ayaa soo xuleyso Ergadii Ansixin laheyd Dastuurka oo dhan 825, 15 may ayay isku imaan doonaan oo ay ka doodaan Dastuurka-Ansixintoodana ay noqoneyso mid Kumeel Gaar ah inta laga helayo Afti guud ee Shacabka, iyo in June bartamaheeda Dib u habeyn lagu sameeyo Baarlamaanka la helana Baarlamaan tayo leh”.

Ugu dambeyntii Bulshada Rayidka ayaa lagula dardaarmay iney kaalin hogaamineed ka qaataan oo ay la shaqeeyaan Odey dhaqameedka oo ay ka saacidaan sidii loo soo xulli lahaa Ergo tayo lehoo si wanaagsan uga doodi kara dastuurka kuna sameyn karta isbedelada laga mamaarmaanka ah si ay KMG u ansixiyaan, islamarkaana ay bulshada rayidka ah ay kaalin firfircoon ka qaataan wacyi gelinta bulshada si loo helo bulsho caafimaad qabta oo ka shaqeyso nabadeynta iyo xasilinta dalka iyo waliba in Bulshada Rayidka iyo dowladda ay isku xirmaan oo ay yeeshaan wada shaq1eyn dhab ah iyo in Bulshada Rayidka ay ka mid noqdaan guddiyada soo dhaweynta iyo fulinta shirarka soo socda.

Dhamaad

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: