read more »">
Calendar

Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo baaq nabadeed jeediyay (War-Saxaafeed).

farmaajo ra;sBartamaha (Muqdisho):- Ra’iisul Wasaaraha Dowlada KMG ah ayaa soo saaray qoraal uu uga hadalayo dagaalada ka soo cusboonaaday Gobolka Gedo.

Sida uu Ra’uiisul Wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo ku cadeeyay qoraal uu maanta soo saaray waxa uu aad uga murugooday dagaalka dib uga qarxay deegaanada Gobolka Mudug.

War-Murtiyeed:-

Talaado, 23.11.2010——Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu sheegay inay soo gaareen dagaalo beeleed ka dhacay deegaano ka mid ah dalka sida gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo, sidaasi daraadeed wuxuu caddeeyay isagoo tixraacaya baaqyadiisii hore ee nabadeed in dagaaladaasi si deg deg ah loo joojiyo ayna iska xil saaraan Maamul goboleedyada, Oday dhaqameedyada, Culimada, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada inay sidii horeba ay caadada u lahaayeen kala dhex galaan dadkaasi walaalaha ah oo ay baajiyaan dhiiga macna darida u daadanaya.

‘Waxaan tacsi u dirayaa ehellada intii ku geeriyootay dagaaladaas waxaana intii dhaawacantay u rajeynayaa inuu Alle caafimaad siiyo’ ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu isagoo sheegay in dagaal inuu wiil ku dhinta ma ahane inaan wiil ku dhalan sidii horayba loo yiri.

Maanta marxaladda dalkeenu uu marayo waxaa loo baahan yahay nabad iyo midnimo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto si looga hortagto dhibaatooyinka dadka iyo dalka heysta oo ay ka mid tahay dagaalada ay hurinayaan mucaaridka.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay warar ka soo gaaraya gobolada dalka kuna saabsan abaaro xoogan oo ka jira ayuu u jeediyay shacbiga inay gacmaha is qabsadaan iskana kaashadaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatada abaaraha ee dadka iyo duunyaba saameysay wuxuuna Alle ka baryay inuu ka dul qaado dhibaatooyinkaas, isagoo beesha caalamkana u jeediyay baaq inay gacan ka siiyaan ummadda sidii ay uga gudbi laheyd abaartaasi.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: