read more »">
Calendar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Sheegay Shabaab In Ay U wareegeyn deeganada Puntland .

R’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Cali Gaash ayaa sheegay Ururka Al- Shabaab saraakiishoodii ugu sareeysay inay gaareyn deeganada Puntaland, gaar ahaan buuraha Galgala ee gobalka Bari.

Ra’iisal wasaaraha oo wareesi siiyay wakaalada wararka AP.ayaa sheegay in ay wiiqantay awooda Shabaab, ka dib markii ay cadaadis kala kulmeyn ciidamada DKMG ah, Uganda, Burundi, Ethiopia iyo Kenya sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in saraakiisha Shabaab badankooda ay hadda u wareegeyn deeganada Puntland.

Wuxuu yiri ” Waa ay wiiqmeyn. oo hadda burbureyn, waxana u wareegeyn buuraha Galgala in kastoo ay dhibadan tahay ” ayuu yiri ra’iisal wasaare Cabdi Wali.

Wuxuu kaloo sheegay in ay Shabaab weeraradooda iyo is-qarxinta ay sameyn jireyn uu yaraan doono.

Buuraha galgala, ayaa waxa horey ay fadhiisin u ahayd dagaalyahano uu hoggaamiyo wadaadka la yiraahdo Maxamed Saciid Atam, kaa oo ku  kacsan maamulka Puntland, waxana y dhawaan sheegeyn in ay xiriir la sameeyeen ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa tan markii ay isaga baxeyn Muqdisho bishii August, waxa sidoo kale gacantooda ka baxday dhowr magaalo oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay oo bishii February laga qabsaday.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay Shabaab in ay qortaan dhalinayaro Soomaali ah oo ku soo barbaaray qurbaha, gaar ahaan kuwa ka yimaaday wadamada Maraykanka iyo Britain.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: