read more »">
Calendar

Dastuurkii Juun 1960 ilaa Febraayo 2009 Dastuurkii lagu dhaqmaayay ka dheeho halkaan.

Dastuurkii Juun 1960 Qodobkiisa 1aad oo ku saabsan Qaranka, farqadda 3aad waxay dhigaysaa: Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka. Marka aan eegno Tarjumaaddii 2007 ay DKMG ku samaysay dastuurkii 1960kii qodobkaasi tarjumaadiisu waa : “Diinta Islaamka ayaa noqonaysa Diinta qura ee Dalka.” (Eeg Tarjumadii DKMG ku samaysay Baydhabo 25/05/2007).

Dastuurkii 1979:

(1979) Q.3aad (1)  Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka.

Dastuurkii ay Ciidamadu soo saareen (Muqdisho July 1979), Qodobka 3aad (oo ku saabsan Diinta) waxa uu dhigayaa “Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka”.

Dastuurkii 1990:

(1990) Art.3 (Religione): (1) L’Islam e’ religione dello Stato. (2) E’viettata la propaganda di religioni diverse dall’Islam.

Dastuurkii la soo jeediyey 1990, Qodobkiisa 3aad, farqadda 1aad waxa uu dhigayaa (Islaamku waa diinta qaranka), farqadda 2aadna (Lama faafin karo diin kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka). Halkaas waxaa ku cad in qodobkii Diinta lagu xoojiyey in aan diin kale dalka lagu faafin karin (inkasta oo xukuumaddii burburtay isagoo aan  dastuurkaasi weli si rasmi ah u dhaqan gelin)

Dastuurkii 2000:

(2000) Q.2aad (2) Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka

Dastuurkii DKMG loogu soo sameeyey magaalada Carta ee dalka Jabuuti (August 2000), Qodobkii 2aad (oo ku saabsan Diinta), farqaddiisa 2aad waxaa si qeexan ugu cad “Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka”. Halkaas waxaa ka cad in qodobkii dastuurkii 1990 eee diinta lagu xii xoojiyey in aan diin kale iyo afkaar ka soo horjeeda diinta islaamka lagu faafin karin dalka.

Dastuurkii 2004:

(2004) Q.8aad (1) Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa xusid midan in Fadhi ay Golaha baarlamaanka DFKMG Sabti April 18, 2009 ku yeesheen xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayey guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha baarlamaanka DFKMG, Cismaan Cilmi Boqorre ayaa lagu ansixiyay in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka. Arrintaas oo kadambaysay kaddib markii 14-19 bisha Febraayo 2009 ay culimada Soomaaliyeed kulan ay Muqdisho ku sheegeen ay ku baaqeen in DFKMG hirgaliso laba qodob oo ahaa Ku dhaqanka Shareecada Islaamk


Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: