read more »">
Calendar

Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/Risaaq X. Xuseen oo Geeriyooday

abdirizak h hussein SOOMAALI

Inna Lilaahi Wa Inna Ilayhi Raajicuun. Raiisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka gobolka Minnesota. Waxaan halkaan tacsi ugu dirayaa guud ahaan umadda Soomaliyeed, geeridii ku timid Hogaamiyaheeni Marxuun Abdirisaak Haji Husein. Ilaah ha u naxariisto, Ehelkiisana Samir iyo Iimaan haka siiyo, Jannadii Fardowsa ahaydna Ilaahay haka waraabiyo. AMIIN.
Waxaa uu ahaa muwaadin ay taariikhdu xusi doonto.

Taariikh nololeedkii ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein Xassan

C/risaaq Xaaji Xussein Xassan wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya, sanadku markuu ahaa 1924tii. Ka dib markii ay koofurta dalka Soomaaliya ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii gobannimodoonka Soomaaliyeed horraantii sanadkii 1943dii.

C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu xubin firfircoon ka dhaqdhaqaaqii xornimadoonka Soomaaliyeed ee Somali Youth League ee “SYL”, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ay maamulkii maxmiyadda ee Qaramada Midoobay ee la oran jiray United Nations Trusteeship of Italy sida weyn ula shaqeyn jiray.

abdirizak haji hussein 3

 

Sidoo kale wuxuu xubin baarlamaan ka noqday baarlamaannadii rayidka ahaa ee dowladihii madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan & C/rashiid Cali Sharmaarke, wuxuuna dalka ra’iisul wasaare ka noqday dalka Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 14kii bishii June sanadkii 1964tii illaa 15kii bishii July sanadkii 1967dii.

Ka dib afgembigii aan dhiigga ku daadan ee ay ciidamada kula wareegeen awoodda dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa xubnihii loo taxaabay xabsi guriga, muddo ka dibse laga sii daayay.

Dowladdii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre danjirihii dalka Soomaaliya u fadhin jiray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dabayaaqadii sanadihii 1976dii illaa 1978dii, wixii intaas ka dambeeyayna wax mas’uuliyad ah kama qaban gudaha dalka Soomaaliya.

abdirizak haji hussein 2

Markii la riday dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya MD. C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa odayaashii Soomaaliyeed ee dadaalka u galay dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed isla markaana wax ka saxiixay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Djibouti ee dalka jamhuuriyadda Jibouti.

C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa xubnihii isu soo sharaxay in ay hoggaamiyaan dhismihii maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee la dhisay bishii August sanadkii 1998dii, wuxuuna siyaasadda isaga fariistay ka dib markii uu kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

Dhismihii dowladdii madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jibouti bishii August sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay in uu xubin ka noqdo guddi ka koobnaa 25 xubnood, guddigaas oo la oran jiray National Commission for Reconciliation & Property Settlement of Somalia, taariikhdu markii ay aheyd 6dii bishii May, sanadkii 2001da, arrintaas oo ay si weyn uga soo horjeestay maamulkii Puntland ee Col. C/llaahi Yuusuf, wuxuuna C/risaaq Xaaji Xussein xilkaasi si buuxda isaga casilay 25kii bishii July, sanadkii 2001.

Ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii Soomaalida ee sida weyn uga biyo diiday soo gelitaankii ciidamada dalka Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya dabayaaqadii 29kii bishii December, sanadkii 2006da, wuxuuna ka qeybgalay bannaanbaxyo looga soo horjeedo oo ka dhacay dalka Mareykanka.

[Taariikh Nololeedka waxaan kasoo xiganay Xildhibaan Publications, Sawirada: Old Somali Archives/Google]

 

 

 

 

 

Waxaan halkaan tacsi ugu dirayaa guud ahaan umadda Soomaliyeed, geeridii ku timid Hogaamiyaheeni Marxuun Abdirisaak Haji Husein. Ilaah ha u naxariisto, reerkana Samir iyo imaan. AMIIN.

Waxaa uu ahaa muwaadin ay taariikhdu xusi doonto. Waxaan ka codsanayaa umadda Doomaliyeed iyo Dowladda federaalka in marxuunka loo sameeyo aas qaran.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: