read more »">
Calendar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Rome kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed, booqashana ku tegey Xafiisyada Safaarada

_97D3991Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Rome kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed, booqashana ku tegey Xafiisyada Safaarada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Rome, ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa booqday Xafiisyada Safaarada Soomaaliya si uu ugu kuurgalo hantida Qaranka iyo xaalada ay ku suganyihiin. Safiirka Soomaaliya Nur Hassan Hussein ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo wareejiyey Guryaha iyo Xafiisyada Safaarada oo badankood uu bur-bur ka muuqday una baahan dayactir xoogan.

[slidepress gallery='raiisal-wasaaraha']

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Safaarada iyo shaqaalaheeda kala qeybgalay Qado Sharaf ay Safaaradu u sameysey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed kula kulmay Rome ugana warbixiyey xaalada dalka, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isku xirka Maamulada dalka iyo Dowladda dhexe, Maamul Wanaaga, Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waqti dheer siiyey Soomaalida oo uu uga jawaabayey su’aalaha ay qabaan, isla markaana dhageysanayey talooyinka ay Jaaliyadda Soomaaliyeed u soo jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Dowladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed dadaalkooda, kana codsaday inay sii laba jibaaraan oo ay kaalin xoog leh ka qaataan dib-u-dhiska dalka.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia

& Spokesperson of the Government

Tel: +252615479911 or +252699998854

E-mail:

E-mail:

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: