Calendar

Xaflad daah-fur buug cusub ee London

new bookTaariikhda; Sabtida, 3 March 2012
Saacadda; 6:00pm – 9:00pm

Maddasha; Friends House, 173 Euston Road London NW1 2BJ

Waxaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee deggan wadanka UK, gaar ahaan magaaladda London iyo nawaaxigeenda si sharaf & qadarin mudan ku casuumaynaa xafladdan.

Waxaa xafladaan lagu soo bandhigidoonaa buug ku saabsan noloshii iyo kaalintii uu ku lahaa madaxweynihii saddexaad AUN Jaalle Maxamed Siyaad Barre dowladdii dhexe ee Soomaliya, waxaana qoray qoraage Maxamed Ibraahim Shire.

Xafladdan ayaa ah mid si wanaagsan loo soo agaasimay isla markaasna ay ka hadli doonaan dad Soomaaliyeed oo kala duwan oo soo jireen u haa sooyaalkii taariikhdii dalka Somalia.

Buuggan oo xambaarsan taariikh dhanwalba ah isla markaasna si ahmiyad mudan u daadihinaysa waxqabdkii dowladdii kacaanka iyo kala duwanaanshihii siyaasadeed eejiray bur-burkii ka hor.

Waxaan ugu baaqaynaadhamaan bahweynta Soomaaliyeed sida dhalinyaradda, Haweenka,oday-dhaqameedyadda, culumaa’udiinka, aqoonyahanada iwm. . . . Inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fursaddan qaaliga ah oo dad badan oo soomaaliyeed aysan lasocon ama aan wakhtigaas hanaqaadin.

Taariikhdan ayaa ah midii ugu xiisaha badnayd tan iyo intii uu wadanka Soomaaliya qaatay xornimadiisii iyo israacii labada gobol. Waxaan idinku mahadnaqaynaa inaad jeceshihiin inaad la socotaan taariikhdan mugga leh iyo isbadaladii uu soo maray dhulkeenii hooyo.

Sidee halkaa loo tegayaa:

Rail (tareenka dusha) ahaan: Halka ay ku taal oo ah ka soo horjeedka boosteejada tareenka dusha iyo dhulka hoostiisa ee Euston, waxaa toban daqiiqo looga lugeeyaa Boostaajada Caalamiga ah ee St Pancras iyo King Cross Station. Dhamaan bosteejeeyinka tareemada dusha mara waxaa si fudud loogu gaadhi karaa tareenka dhulka hoostiisa mara.

Tube (tareenka dhulka hoostiisa) ahaan: Boostaajada ugu dhow ee tareemada dhulka hoostiisa mara waa Euston iyo Euston Square, kuwaas oo ah khadadka Northern, Victoria, Metropolitan, Circle iyo Hammersmith City.

Bas ahaan: Lambarada 10, 18, 30, 73, 205 iyo 390 ayaa albaabkeeda hor mara, halka 59, 68, 91, 168, iyo 253 istaagaan meel u dhow.

Baabuur ahaan: Friends House wuxuu ku yaalaa meelaha mishiinada lagu rido lacagaha ee meelaha baabuurta la dhigto. Waa in kharashka la bixiyo Isniinta ilaa Jimcaha 08.30 – 18.30 iyo Sabtida 09.00 – 13.30. Waxaa jira dariiq kale, meel baabuurta la dhigto oo mudo ka dheer ah oo ku taala Euston Station hoostiisa.

***************Fadlan ku soo dhawoow xafladdan si diiran…***************

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: