Calendar

Al Shabaab oo Weerar xoogan ku qaaday Saldhigyo ku yaalla Magaalada Baladweyne

Dagaalkaan oo ahaa Weerar ay ku soo qaadeen Kooxo Ka tirsan Al Shabaab Baro Ciidanka oo Askarta Jabuuti iyo Kuwa dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa la tilmaamayaa in uu aad u xooganaa.

Dagaalka ayaa la sheegay in ku fiday  Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan iyadoo Madaafiic dhinacyadu ay isweedaarsadeen ay waxyeeleeyeen dad Shacab ah.

Lama Shaacin khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka Xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan balse dad deegaanka ayaa warbaahinta U sheegay in illaa 3 qof ay Ku geeriyoodeen Madaafiic Habow ah oo ugu Timid Guryahooda.

Wararka ayaa sheegaya in illaa saaka Dhawaqa Xabadda laga Maqlayay qaybo Ka mid ah Xaafadaha Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamo Badan ayaa waxaa Saaka la dhigay Guud ahaan Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan kuwaasi oo Baaritaanno ku hayaha Guryaha iyo dadka Socotada ah.

Waa Dagaalkii ugu Xooganaa tan iyo Lawareegitaankii Ciidamada dowladda iyo AMISOM Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: