Calendar

wasiirka arimaha dibada soomaalia oo gaaray Tunisia

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ah  Wasiirka arrimaha dibadda dowladda  Soomaaliya,   iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta kadagey magaalada Tunis ee caasimadda wadanka Tunisia.

wafdiga wasiirka arimada dibada somalia oo uu kamid yahay wasiirka maliyada somalia Xuseen Cabdi Xalane. ayaa waxaa soo dhaweyey wasiirka arimagha dibaca Tunisa Mongi Hamdi

Wafuuddan  ayaa Isniinta berri ah la kulmi doona madaxweynaha bangiga horumarinta Africa, Donald Kaberuka oo ay kala hadli doonaan baahida dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u qabto sidii ay ku heli laheyd ballan-qaadyada dhaqaale iyo mashaariic ku qotoma dib-u-dhiska Soomaaliya.

sido kale Wasiirro ka tirsan dowladda Tunisia ayay sidoo kale la kulmi doonaan wafdigan inta ay ku sugan yihiin Tunis, waxeyna kala hadli doonaan sidii Tunisia maal-geshi uga sameyn laheyd Soomaaliya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: