Calendar

Raisul wasaare Cabdwali oo soo gaba gabeyey shirkii amiga ee somalia

Ra iisul waraahada dowlada fedaralka somaalia Abdiwali sheikh axmad ayaa maanta soo gaba gabeyey shirwaynihii looga hadlayay amniga somalia ee kasocday magalada muqdisho, shirkani ayaa socday mudo sadex maalin ah

Shirka ayaa waxaa lasheegay in qaybtiisa hore ay ergada ku kala warqaateen oo lagu dhagaystey figradaha kala duwan ee ka qayb galayaasha shirkani, sido kale waxaa si gaar ah loo falanqeyey sidii loo wajihi lahaa qodoada kala ah fursadaha iyo caqabadaha jira, dhaqan celinta iyo hubka dhigista, sida lagu horumarin lahaa xiriirka ka dhexeeya hay’adaha amniga iyo bulshada, sharuucda xuquul insaanka iyo kuwa kale.

Shirkan ayaa mudadii uu socday waxaa su aalo la waydiiyay madaxda ciidamada amiga oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, iyagoo ergada uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen ee ku saabsanaa. xagga amniga

Shirka ayaa waxaa laga akhriyay war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo ka hadlayay waxyaabihii ka soo  baxay shirka oo muddo saddex maalin socday .

Qaar ka mid ah ergada ka kala timid gobollada dalka iyo dibediisa oo shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin talooyinka laga soo saaray shirweynaha amniga Qaranka.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: