Calendar

Xerada Dhadhaab oo lagu dhaawacay dad u shaqaynayay hay ada qaxootiga aduunka

 

Maanta galinkii hore ayaa kooxo hubaysan waxaa ay wadada u galeen gaadiid ay lasoc deen shaqaale u shaqaynayay hay ada qaxootiga adun ka ee UNHCR. Shaqaalahan oo kusii socday xero kamid ah xerooyinka Dhadhaab ee ay ku jiraan kumanaan qaxooti somaliyeed

Wariyaha Warbaahinta bartamaha ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya Said Abdisalaan. Ayaa inoo soo sheegay in kooxaha hubeysan ay dhaawac u geysteen wadihii gaari ay saarnaayeen shaqaalaha Hay’adda, iyagoo isku dayay inay dhanka Soomaaliya ula soo talaabaan, hayeeshee ay ciidamada ammaanka ee dowlada kanya ay ka hortageen.

Weerarka oo dhacay abaaro 8:30 A.M ee xiliga geeska Afrika ayaa lagu soo waramayaa in qofka dhaawac ah loola cararey isbitaal kuyaala magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, isagoo qofka dhaawaca ah lagu sheegey inuu halis yahay dhawaciisa

Warku waxa uu intaa ku darayaa in gabar ka mid ahayd shaqaalaha hay’adda UNHCR ay ka badbaaday weerarkaasi la doonayay in lagu qafaasho gaariga

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: