read more »">
Calendar

Saacid oo ku baaqey in la siidaayo wariye xiran.

Iyadoo mudo ku dhow 12 maalin Xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho uu uga xiran yahay Dowlada Soomaaliya Wariye C/asiis Koronto oo u shaqeynayay Idaacadaha Ergo iyo Dalsan ayaa waxaa arintaasi si kulul uga hadley Ray’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabsi Faarax Shirdoon.

 

Ray’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadiisa aysan raali ka aheyn Xabsiga lagu siihayo Wariye C/asiis Koronto oo ay xireen Taliska Hay’ada CID ee Magaalada Muqdisho kadib markii ay ku eedayeen warar beeen abuur ah.
Saacid ayaa waxaa uu ugu baaqey Wasaarada arimaha gudaha ee Xukuumada Soomaaliya iyo Booliiskaba iney si deg deg ah cadaalada ay ku hor keenaan Wariye C/asiis Koronto oo isagu lagu eedayay inuu baahiyey Kufsi la sheegay iney ku kaceen ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa uu sheegay in Wariyaha lasii deynayo hadii lagu waayo wax danbi ah,hadii kalena uu sheegay in Maxkamadiisa lasoo da dajiyo oo aan lagu heysan Xabiga uu haatan ku jiro,waxaana aan la ogeyn halka ay ku danbeyn doono xaalada Wariyaha xiran.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: