Calendar

Shil gaari oo khasaare gaystay oo ka dhacay degmada Carmo

shil gaari laamigaBartamaha Bosaaso_ Shil gaari oo gaystay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ayaa maanta ka dhacay inta udhexaysa degmada Carmo iyo tuulada Laasa-dawaco oo ka tirsan gobalka Bari.

Dad goob joogayaala ayaa usheegay shabakada www.Bartamaha.com in gaariga shilka gaystay noocisu ahaa Nooha, waxaana lasocday qoys ka kooban Aabbe iyo caruurtisa oo tira ahaan garayey 7- ruux.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ka baxay magaalada Boosaso uuna kusii jeeday tuulada Laasa- dawaco, waxaana wararku sheegayaan  gaarigu inu kabaxay wadada taasi oo keentay inuu shilka gaysto.

Wararka ayaa intaasi kudaraya in ilaa saddex ruux ku geeriyodeen shilka halka afar kalena uu dhaawac soo gaaray, waxaana dhaawacyada la geeyey Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Shilalka ka dhasha gaadiidka ayaa kusoo badanayey wadada xiriirisa magaaloyinka Boosaso iyo Gaalkacyo, waxaana inta badan loo sababeeya dayacnaan ka jirta wadada iyo khibrad yari haysata wadayasha gaadiidka.

Baratamaha.com

Xafiiska Boosaso.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: