Calendar

Shir looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya oo ka socda magaalada Addisababa

1173768_641189879238947_875368613_nShir ballaaran oo looga Arinsanayo dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo taageero dhaqaalo loo siin lahaa Xukuumada Fedraalka Soomaaliya ayaa waxa u si rasmi ah uga furmay Maalintii Isniinta ahayd Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Axmad Cabdi Salaan ayaa waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay xoojiyaan Taageerada ay ka gaysanayaan dib u dhiska Soomaaliya.

Mr axmad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowlada Fedraalka soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Africa iyo Urur Gobaleedka IGAD ay dadaalo xoogan ugu jiraan sidii Nabad iyo Xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid uu soo qabanqaabiyay Machadka Dhaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee geeska Africa  ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (HESPI) oo ah mid socon doona mudo 3-maalmood ayaa diirada lagu saari doonaa dib u dhiska iyo Taageerida  dalka Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: