Calendar

Dawlada shiinaha oo sheegtay inaysan illoobi doonin abaalkii Soomaaliya ay dalkooda u samaysay

Fowziyo_Shiinaha_2Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha, Wang Yi ayaa sheegay in dalkiisa uu xiriir dhow oo dhinaca dhaqalaaha iyo ganacsiga ah la yeelanayo Soomaaliya, isagoo xusay inay ka qaybqaadan doonaan dib u dhiska Soomaaliya.

Hadalkan ayuu Wang ka sheegay kulan uu shalay oo Talaado ahayd la yeeshay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo dalka Shiinaha ku joogta booqasho hal toddobaad qaadanaysa.

“Shacabka Shiinuhu weligood ma illoobi doonaan in Soomaaliya ay ahayd dalkii ugu horreeyay oo ku yaalla Afrika oo ay xiriirka dublamaasiyadeed yeeshaan, waxaana xusuusannaan in Soomaaliya ay ka mid ahay dalalkii udub-dhexaadka u ahaa in Shiinuhu uu ka mid noqdo dalalka joogtada ah ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Wang oo intaas ku daray inaysan waxba iska bedelin xiriirkii uu Shiinuhu la lahaa Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Shiinuhu wuxuu sheegay in dalkiisu uu ka taageerayo Soomaaliya dib u dhiska kaabayaasha blushada iyo sidoo kale soo celinta ammaanka guud ee dalka.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: