Calendar

Soomaaliland oo ka hadashey dagaalkii ay kula waregtay Saax-dheer iyo Cali Khaliif Galayr oo ka badbaadey

somaliland-army

Saaxdheer (BARTAMAHA) Soomaaliland ayaa sheegtay inay ciidankooda amar ku qabaan gacan ku dhigida madaxweynaha cusub ee Khaatumo Dr Cali Khaliif Galayr,waxaana ay sheegen inay wali ku daba-joogan.

Cali Khaliif Galayr oo ay waheliyan mas’uuliyin kale oo ka tirsan Khaatumo ayaa xilligii ay ciidanka Soomaaliland soo galeen Saax-dheer waxaa ay u baxsadeen dhinaca Itoobiya.

“Wan ku daba jogta,waxaana dooneyna inan gacanta ku dhigno Cali Khaliif Galayr,”ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka waxuuna inta ku daray inay gacanta ku dhigeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo qurbo-joog kuwaas oo doonayey inay ka qayb-galaan caleemo-saarka madaxweynaha cusub.

Dhica kale,taliyaha guud ee ciidanka milateriga maamulka Soomaaliland,Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in saakay hawl-gal ay sameeyeen ciidamadiisu ay kula wareegeen tuulada Saax-Dheer iyo hareeraheedaba.

Saax Dheer ayaa 70-km dhinaca koonfur galbeed ka xigta magaalada Laascaanood .

Xaaladda deegaanka ayaa kacsan,waxaana la sheegay inuu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka labada dhibac dhexmay oo wali socda.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: