Calendar

Sucuudiga oo joojiyay iibsashada xoolaha Soomaaliya

BARTAMAHA – Warar ka imanaya Sucuudiga ayaa waxa ay sheegayaan in la joojiyey dhoofkii xoolaha nool ee Soomaaliya ee dalkaasi tagayay kadib markii sida la sheegey in cudur ka dilaacay dalkaasi lagana yaabo in uu ka dhashay xoolaha laga keenayo Soomaaliya, gaar ahaan geela.

Inkasta oo wali xayiraada aanan la sharciyeynin, hadane sargaal sare oo u hadlay wakaaladda tayo-dhowrka sucuudiga uu sheegey in ay baarayaan xoolo markabka saaran oo dekada ku xiran.

Cudurkani oo loo yaqaano MERS ayaa la sheegey in dad badan ay u dhinteen.

Illaa iyo 4.7 malyuun oo neef ayay Soomaaliya u dhoofisey Sucuudiga sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya, haddii dhoofka la joojiyana waxa ay ka dhigantahay dharbaaxo weyn oo soo foodsaartay dhaqaalaha Soomaaliya.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: