Calendar

TACSI: Ugaaska guud ee beesha Tanada Daarood Ugaas Axmed oo goor dhawayd ku geeriyooday degmada Galdgob ee gobolka Mudug

ugaasGaldogob (Bartamaha) Goor dhawayd waxaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug ku geeriyooday ugaaska guud ee beesha Tanade Daarood (Layl kase) oo maalmahan ku jiray cisbitaal ku yaal degmadaasi.

Ugaaska oo arrimo caafimaad loogu qaaday dalka dibaddiisa ayaan dhawaan lagu soo celiyay degmada Galdogob oo maanta uu ku geeriyooday.

Geerida Ugaaska waxaa Raxanreeb u xaqiijiyay caa’ilada ugaaska,waxaana hadda socota qaban qaabada aas ballaaran oo loogu samayn doono degmadaasi ayna ka soo qayb gali doonaan madax iyo guurti dhaqan oo ka kala imaan doonta dalka Soomaaliy iyo waliba caalamka.

Maamulka iyo shaqaalaha Raxanreeb waxaa ay ka tacsiyeenayaan geerida Ugaaska oo maqaam sare kaga jiray salaadinta reer Puntland,waxaana alle ugu baryeena inuu Janadii ka waraabiyo samirna ka siiyo ehelkiisa iyo ummada Soomaaliyeed.

Bartamaha Online

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: