Calendar

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wacad ku maray in aysan u dul qaadan doonin dhibaateynta Shacabka

Cabduulahi Xasan Bariise Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaaliyeed ooo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka Shacabka ay Masuuliyad weyn ay ka saarantahay Ciidanka Buliiska Soomaaliyeed cid kasta oo gacan bidixeyneysana tallaabo adag ay ka qaadi doonaan sida uuu hadalka u dhigay.

“ Maal mihii dambe waxaan wadnay howl gallo  xittaa lagu soo qabtay Askar Ciidanka dowladda Ka tirsan oo falal dhac ah ka waday deegaanada shacabku degenyihiin taasi waxa ay ku tusineysaa In cidna loogu aabayeeleynin dhibaateynta Shacabka” Sidaasi waxaa Yiri Bariise.

Afhayeenka Buliiska Soomaaliyeed ayaa ka codsaday Shacabka in Booliska ay ku soo wargeliyaan Kooxaha dhibaatada ka wada Xaafadahooda si tallaabo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uga qaadaan.

Hadalkaan ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa imaanaya iyadoo Maal mihii ugu dambeeyay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ay kala qariyeen Howl gallo ballaaaran oo lagu soo qab qabanayay kooxo la rumeysanyahay in ammaanka Magaalada Muqdisho ay caqabad ku yihiin.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: