Calendar

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka warbixiyay guulaha laga gaaray amniga Muqdisho

SOMALI POLICE CHIEF

Muqdisho (BARTAMAHA) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, S/guuto Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil, ayaa tilmaamay ciidamada Booliska Soomaaliya guulo waaweyn in ay ka gaareen sugidda amniga magaalada Muqdisho, kadib markii ay ciidamaddu qaadeen tallaabooyin lagu wiiqayo haraadiga kooxda al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya degmooyin ah magaalada Muqdisho.

General Maxamed oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu xusay tan iyo markii uu la wareegay xilka hoggaanka taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed in ay sameeyeen howlgallo si taxadar ku jiro loogu bartil-maameedsanayo al-shabaab, isagoo xusay taasi in ay keentay weeraradii iyo dilalkii qorshaysnaa ee kooxdu ka gaysan jireen Muqdisho ay yaraadeen.

Mudada aadka u gaaban ee taliyaha ciidanka booliska uu xilka hayay waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo deegaanada u dhow 23 dil, 18 kamid ah kooxihii ka danbeeyay waa lasoo qabtay, waxana sidoo kale la fashiliyay 11 howlgal oo kooxaha nabad-diidku doonayeen inay ku waxyeelaan ummada Soomaaliyeed.

“Kadib markii kooxaha argagixisada ah lagaga guuleystay dagaalladii foolka-foolka ahaa ee ay la galeen ciidamadeenna, waxay maciinsadeen inay ku dhex milmaan shacabka Soomaaliyeed, anagoo adeegsanaynaa khibradda aan u leenahay amniga waxaan samaynay howlgallo lagu bartilmaameedsaday baro cayiman oo cadowgu iska soo abaabuli jiray”ayuu yiri Gen. Maxamed.

“Awoodii Al-shabaab ku lahayd Muqdisho hadda waa soo dhammatay waxana tusaale idin ku filan weerarkii ay todobaadkii hore ay ku qaadeen xarunta Hay’adda Nabadsugidda gobolka Banaadir sidii looga hortagay” ayuu intaasi ku daray .

Taliyaha ciidamadda booliska ayaa tilmaamay deegaanadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-shabaab in la gayn doono ciidamadda Booliska si ay gacan uga geystaan sugitaanka amniga dadka shacabka ah ee cadowgu mudada dheer dhibaatada ku hayay.

“Hadafkayagu waa in nabad laga dhaliyo Soomaaliya sidoo kalena la cirib-tiro al-Shabaab iyo al-Qaacida. Tallaabada noogu muhiimsan waa inaan gaarno hadafkani, degmooyinkii iyo deegaanadii dhawaan la xoreeyay waxan u qorshaynay ciidamo ka tirsan booliska in aan gayno” ayuu sidoo kale xusay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaa howgal lagu soo qabtay kontomeeyo (50) amniyaad iyo xubno sare oo shabaab ka tirsan isugu jira, waxaa si gaar ah loola socdaa abaabullada iyo qorshayaasha ay soo wadaan, iyadoo si buuxda wararka looga helayo dhumucda fog ee kooxaha Nabad-diidka, taasna waxay noo saamaxaysaa inaan mar walba la socono dhaq-dhaqaaqyada lagu waxyeelaynayo nafta dadkeena sharafta leh, isla markaana dib-u-dhac loogu ridayo dadaallada ay wado dowladdu ee la xiriira sugidda amniga dalkeenna”.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa sheegay wadashaqayn buuxda in ay ka dhaxayso ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo booliska AMISOM, si isku mid ahna ay uga howlgal galaan qeybo ka mid ah gobollada dalka iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu danbeyn, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya S/guuto Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya hay’adaha amaanka si looga guulaysto cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

“Haddii aan ku guuleeysanno inaan si wadajir ah u sugno ammaanka Muqdisho , waxaa xaqiiq ah inaan tusaale wanaagsan u noqon karno dadka gobollada kale ee dalka si ay noogu daydaan oo ay hal meel uga soo wada jeestaan al-Shabaab” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay S/guuto Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil, taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: