Calendar

Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Qaraxii maanta oo sii kordhaysa

1583Qarax weyn oo manta ka dhacay xarun ay daganyihiin wasaarado ka tirsan xukuumada KMG ayaa geestay khasaaro badan oo soo gaaray dad shacab ah iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada KMG.

In ku dhow  100 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaan oo loo soo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana tirade dhimashada ka sii badan tirade dhaawaca ee Qaraxaasi uu geestay.

Dad ugu badan ee waxyeeladu soo gaartay ayaa ah dad shacab ah waxayna u sii badan yihiin dhalinyaro Arday ah oo ku sugaa wasaarada waxbarashada oo ku tiilay xarunta la qarxiyay.

Dadka dhaawacmay ayaa kuwooda ugu badan waxaa la gaarsiiyay isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo iminka xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Dhaawacyada qaar ayaa  ah kuwo cul culus waxaana ku jira dad jirkooda gubtay iyo waliba dad meelo badan ka dhaawacmay oo googo’ay.

Sidoo kale waxaa jira dad badan oo la aqoonsan waayay kuwaasi oo qaba dhaawacyo kala duwan isla markaana la gaarsiiyay isbitaalada magaalada Muqdisho.

___

RBC

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: