Calendar

War Deg-Deg: Qarax ka dhacay Baarlamaanka Muqdisho

Wararka aan ka helayno xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegayo in qarax uu ka dhacay halkaasi.

Gaari ay ku jireen waxyaalaha qarxa ayaa la dhigay halka ay gawaarida dhigtaan xubnaha baarlamaanka, kuwaas oo manta ku lahaa shir xaruntooda oo kazoo horjeeda masaajidka Isbahesiga.

Inta la ogyahay waxa ku dhintey hal askari halka ay ku dhaawacmay qof kale.

Ma cado sida uu gaariga qarxay kusoo galay goobta halkaas oo ah barxad kazoo horjeeda goobta ay baarlamaanka ku shirayeen oo ku dhagan masjidka Isbaheysiga.

Ciidamada Dowlada federalka ayaa halkaasi ka sameya baaritaano xoog leh marka ay baarlamaanka shirayaan iyadoona ay mararka qaarkoodna ay xiraan wadada oo idil taas oo isku xerta qeybo badan oo caasimadda ah.

Wixii warar ee kusoo kordha dib ayaa idin kala soo socodsiin doona, Inshalah!

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: