Calendar

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland oo dalka kusoo laabtay (Sawirro)

Bartamaha Garowe_ Waxaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe wafdi isugu jira wasiirka ku xigeenka maaliyada Puntland iyo guddomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka dowlada Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe xubno katirsan mudanayasha Baarlamanka iyo gollaha wasiirada dowlada Puntland.

Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaradaha Garoowe ayaa sheegay in mudadii ay dalka kamaqnaayeen kullamo lasoo qaateen dad danaynaya inay hawlo maalgashi ku sameeyaan Puntland, isagoona xusay in kulamadaasi kusoo dhamaadeen si guul ah.

DSC_4025 DSC_4026 DSC_4028 DSC_4030 DSC_4038 DSC_4040 DSC_4042 DSC_4043 DSC_4044 DSC_4050 DSC_4052

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: