Calendar

Ciidamada Dowlada oo hawlgal ka sameyey degmada Xamar-weyne

hawlgalka ciidankaBartamaha Muqdisho_ Ciidamada dowlada Soomaliya gaar ahaana kuwa nabad sugida ayaa maanta hawlgal ballaaran kasameeyey degmada Xamar weyne, waxayna kusoo qab qabteen dad tiradoodu gaarayso 300- oo ruux.

Dadka ay ciidamadu qabteen ayaa la sheegay inay ubadan yihiin ganacsato iyo dhallinyaro, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in dadka hawlgalka lagu qabtay uu ku jiro nin wariye ah oo lagu magacaabo C/llaahi Kulmiye Cadow.

Wariyaha laqbtay ayaa sheegay inuu jirdil kala kulmay ciidamada markii uu isu sheegay, waxaana uu xusay in dadka lala qabtay ay ubadan yihiin kuwo aan waxba galabsan oo lagasoo qabtay goobahooda ganacsi.

Hawlgalka maanta ayaa siweyn u saameyey dhaq dhaqaaqa degmada Xamae-weyne waxaana ay ciidamadu waberigii saaka hareereeyen degmada iyaga oo xita dadka ka qab qabanayey goobahooda ganacsi.

C/qaadir Maxamed C/qaadir oo ah guddomiyaha degmada Xamar-weyne ayaa sheegay in dadka la qabtay lakala saari doono, isagoo intaasi ku daray in cidii dambi lagu waayo lasii dayn doono.

Degmada Xamar-weyne ayaa waxa horay uga dhacay falal amni xumo, waxaana bishaan gudaheeda lagu dilay labo xildhibaan, waana hawlgakii ugu ballaarna oo ay ciidamadu ka sameeyaan degmadaasi.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Muqdisho.

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: