Calendar

Wasiirka Amniga Puntland oo kaqaybgalay kullan looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Garowe (Sawirro)

Garowe _ Wasiirka Amniga Dowlada Puntland Xasan Cismaan Alore ayaa maanta magaalada Garowe uga qaybgalay kullan Balaaran oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada Garowe.

Kullanka oo ay kaqaybgaleen maamulka Degmada, kan gobalka, qaybaha kale ee bulshada  iyo Saraakisha amaanka Gobalka Nugaal ayaa waxaa looga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa kashaqaynta amniga.

Guddomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo kahdlay kullanka ayaa dadweynaha usoo jeediyay in maamulka degmada kala sheeqaan sidii loo horumarin lahaa bilicada magaalada.

Guddoomiayaha ayaa sheegay inaan loo dul qaadan doonin cidkasta oo isku dayda inay hor istaagto horumarinta goobaha ka dhexeeya bulshada.

Wasiirka Amniga dowlada Puntland Xasan Aloore ayaa bulshada ka codsaday in dowlada cusub kala shaqeeyaan adkaynta Nabadgelyada, waxaana uu intaasi raaciyay inay ka go,antahay sidii deeganada Puntland loo sugilaha amaankooda.

Dhamaan dadkii kahadlay kullanka ayaa isku raacay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sugida nabadgelyada, waxayna sheegen in dowlada cusub ay kala shaqayn doonaan xoojinta amaanka.

Waa kullankii ugu horeeyay oo uu wasiirka cusub ee amnigu laqaato bulshada kunool magaalada caasimada ah ee Garoowe, kaasi oo looga hadlo sugida amniga Puntland.

49 59 213 312 612 710 IMG_0588-450x342

www.Bartamaha.com

xafiiska Puntland

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: