Calendar

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland oo xukun xarig ah ku riday Rag lagu eedeyay inay katirsanyihiin Al-shabaab (sawirro)

Bosaso _ Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowlada Puntland ayaa maanta lahorkeenay rag ku eedaysnaa inay xiriir wada shaqayneed uu ka dhexeeyay ururka Al-shabaab.

Ragaan oo ay tiradoodu dhameed 4- nin ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiraxmaan Muuse Cismaan, Cabdixakiin Cabdulaahi Xundul, Cabdixakiin Cumar Guduudow iyo Aways buulow.

Guddomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee gobalada Bari, Kar-kaar, Haylaan iyo Sanaag C/fataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka maxakamada.

…,, Maxkamadu markii ay ku qanacday qiraalka uu bixiyay eedaysanaha kowaad oo maxkamada horteeda ka sheegay inuu kamid yahay ururka Al-shabaab maxkamadu waxay ku xukuntay xabsi Daa,im, Eedaysanaha labaad C/xakiin Cabdulaahi Xundul maxkamadu waxay ku xukuntay 10- sano oo xarig ah, C/kariin Cumar Gududow maxkamadu waxay ku xukuntay 5-sano halka ay maxkamadu xoriyadisa dib u siisay Aways Buulow Saadiq oo wax cadayn ah lagu wayay..,, ayuu yiri Guddomiyaha maxkamada Ciidamada qalabka sida.

Maahan markii ugu horaysay oo maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ay xukuno noocani oo kale ah ku fuliso rag lagu eedeyay inay katirsanayeen Al-shabaab.DSC03084 DSC03087 DSC03089 DSC03096

 

www.Bartamaha.com

Xafiiska Puntland.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: