Calendar

Wasiirka Cusub ee Amniga Puntland oo sheegay inuu horay usii wadi doono heerka uu marayo amnigu

Xasan alooreGarowe_ Wasiirka Cusub ee wasaarada Amniga Puntland Xasan Aloore oo manta xilka kala wareegay wasiirkii hore Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay inuu horay ugasii wadi doono heerka uu jooga amniga Puntland.

Xasan Aloore ayaa ku amaanay wasiirkii kahoreeyay inuu heer wanaagsan soo gaarsiiyay xaalada amni ee deeganada Puntland, waxaana uu xusy inuu ku dadaali doono in dhamaan deeganada Puntland ay helaan amni la isku halayn karo.

…,,, Waxaan la imaanaynaa xeelado dhanka amniga ah si dhamaan deeganada Puntland ay unoqdaan kuwo amniya…,, ayuu yiri wasiirka cusub ee Wasarada Amniga Pl.

Wasiirka ayaa sheegay inuu kor uqaadi doono xuquuqda ciidamada amniga ku hawlan si loogu dhiiri geliyo hawsha ballaaran ee ay uhayaan bulshada Puntland.

Xasan Aloore ayaa sheegay in shan sano kahor heerka amni ee Puntland uu ka hooseeyay meesha uu iminka joogo, isagoona balan qaaday inuu ku dadaali doono sidii uu horay ugusii wadi lahaa.

…,,  Waxaan balan qaadaya inaan dib uga noqon doonin heerka uu marayo amniga Puntland…,, ayuu yiri Wasiir Aloore.

Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ku wareejiyay wasiirka cusub qoraal lagu saleeyay qalabka wasaarada iyo tirade ciidanka nabad sugida Puntland.

Dhinaca kale waxaa manta xilalka lakala wareegay wasiirada cusub iyo kuwii hore ee wasaaradaha kala ah, Maaliya, Arrimaha guddaha, Duulista Hawada iyo garoomada, Caafimaadka, Shaqada iyo shaqaalaha iyo wasaarada Beeraha.

Xil wareejintaan ayaa imaanaysaa xili maalintii shalay ay sibuuxada codka kalsoonida usiiyeen xukuumada cusub mudanaysha Baarlamanka Puntland.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Puntland

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: