read more »">
Calendar

Ururka Al-shabaab oo sheegtay masuuliya weeraradii habeenadi lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho

al-shababMuqdisho _ Guddomiyaha ururka Al-shabaab uqaabilsan gobalka Banaadir Shiikh Cali Jabal oo lahadlay warbaahinta ku hadasha afka ururkooda ayaa sheegay in weeraradii Habeenadii lasoo dhaafay kadhacay Muqdisho ay masuul ka ahaayeen.

Waxaa uu xusay in weeraradii ay habeen ka hor kagaysteen Muqdisho ay tusaale uyihiin awood darida kamuuqata dowlada Somaliya, isagoona intaasi kudaray inay sii wadi doonaan .

Masuulkaan uhadlay Al-shabaab ayaa hadalkiisa raaciyay in ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladaba ay kahor istaagi doonaan inay ubaxaan gobalada kale, waxaana uu ku goodiyay inay kala wareegi doonaan muqdisho, sida uu hadalka uyiri.

Hay’addaha amaanka ee dowlada Somaliya aya heegan la geliyay, kadib markii labadii habeen ee lasoo dhaafay madaafiic iyo qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: