Calendar

Weerar Qarax oo ka dhacay Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Qaraxani oo ka dhashay Nin sitay Walxaha Qarxa oo ka dhacay Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa uu sababay Khasaaro Isugu Jira dhimasho iyo dhaawac.

“ Ninkii watay walxahaaan qarxa oo ka mid ah dadka Madowga ah ee dalka Kenya ayey  ku qarxeen walxahaasi isagaa ayaa Ku Geeriyooday 3 qof oo Askar iyo shacab isugu Jirana waa ay ku dhaawacmeen” Sidaasi waxaa Yiri Goob Jooge BBCda uga hadlayay qaabka weerarkaasi uu u dhacay.

Qaraxa Kadib ayaa Goobta waxaa Soogaaray Ciidamo aad u Badan kuwaasi oo Howl Gallo ka billaabay Degmadaasi Wajeer inkastoo aan si Rasmi ah Loo Shaacin Tira Cayiman oo lagu soo qabtay Howl Galkaasi.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacayay Qaraxyo kala duwan Tan iyo Markii Ciidamada Kenya ay Ka soo Tallaabeen Soohdinta ay ay la wadaagaan Soomaaliya xilligaasi oo wixii ka dambeeyay ay Al Shabab ku Goodiyeen in Weeraro ay Ka geysan doonaan dalkaasi Kenya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: