Calendar

WFP oo dib uga Howl Galeyso Magaalada Kismaayo [ War Saxaafadeed ]

Warsaxaafadeed uu soo saaray Barnaamija Cunada Aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay  WFP ayaa lagu sheegay in Magaalada Kismaayo Mudo kaddib laga bilaabay kaalmooyin cuno iyo nafaqeyn ah oo la siinayo dadka ku dhibaateysan halkaasi oo mudo kabadan Afarsano aan helin wax samo fal ah.

WFP ayaa sheegtay in kaalmooyin isugu jira cunooyin iyo nafaqeyn ay siineyso 15-kun oo qof kuwaasi oo ay ku jiraan in kabadan 5-kun oo haweyn iyo caruur da’doodu ka hoseyso 5-sano ah.

“Runtii aad ayay muhiim u tahay in aan markale awoodno dib uga shaqeynta Magaalada Kismaayo oo aan ku ogaanay qimeyn aan dhawaan sameynay in ay jirto baahi weyn oo looqabo gargaar cuno oo deg dega ah iyo Nafaqeynba” sidaasi waxaa sheegay Stefano Porretti oo ah Wakiilka WFP ee Soomaaliya.

Stefano Porretti ayaa intaasi sii raaciyay in qiimeynta ay sameyeen sidoo kale ay ku soo heleen in kala bar qoysaska ku nool Magaalada Kismaayo ay dhib ku tahay in ay si waafi ah u helaan nolol maalmeedkooda, waxaana uu tilmaamay 24% caruurta ay da’doodu ka hooseyso 5-sano ay yihiin kuwo la dhibaateysan nafaqadoro.

WFP ayaa sheegtay in Xarumo gaar ah oo lagu eegayo xaaladaha Nafaqo ee hooyada iyo caruurta laga yagleelay qeybo ka mid ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: