Calendar

Wiil dhalinyara ah oo Xalay lagu toogtay Degmada Waabari Ee Magaalada Muqdisho.

DSC06742Bartamaha(Muqdisho):-Koox aan la garan ayaa si arxan dara ah waxa ay xalay udileen wiil dhalinyara ah gudaha Degmada Waabari Ee Magaalada Muqdisho.

Kooxda wax dilashau ayaa waxa ay ahaayeen Saddex dhalinyara ah iyagoo soo galay goob ganacsi uu wiilka dhalinyarada ah ku sugnaa rasaas ayaa la sheegay in ay Afka ka galiyeen oo ay madaxa dib uga toogteen.

Dilka Naxdinta leh ayaa waxaa loo geystay wiil aad u da’yar oo 15-jir ahaa kaasi oo aan la garan ujeedada iyo sababta dhabta ah ee loo dilay maadaama aanu waxba ka galasan kooxda nafta dhaafisay.

Kooxaha dilalka ka geysta Muqdisho ayaa waxa ay yihiin kuwa si gaar ah u beegsaday dadka Dowlada la shaqeeyo kuwa la xiriiro iyo dhammaan cid kasta ee ug yaraan salaan ka qaada askari ama sargaal dowlada ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: