read more »">
Calendar

Ruushka oo ku eedeeyay aalada internetka inay u adeegto CIA-da Maraykanka

Madaxweynaha dowladda ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in aalada internet sitoos ah ugu adeegto hay’adda sirdoonka maraykan ee CIA-da , dhinaca kale Vladimir Putin ayaa shacabka wadankiisa uga digay inay sirahooda ku kayd sadaan ciwaanada google-ka ee loo yaqaan Gmailka iyo inay googleka wax ku dhex baaraan.

Khudbad Putin uu jeedinaayey Saxaafaadda ayuu ku sheegey in Internetka noqdey meel ay ilaashato CIA, wax kasta oo Google aad ka baartidna uu yahay mid u keydsan iyaga, taas beddelkiisana ay isticmalaan Yandex.

Vladimir Putin ayaa cadeyey in ay u fududahay in la fahmo barta uga caansan Ruushka ee Internetka wax looga baro ee loo yaqaan Yandex. Inkasta oo uu ku dhaleeceeyey in ay iska diiwaan geliyeen dalal dibadda ah si ay uga baxsadaan canshuur. Yandex ayaa inta badan dalkaRuushka laga istimaalaa waxaana la sheegaa in uu Google ka horeeyo marka Ruushka gudihiisa la joogo.

Hadalka Putin ayaa imaanaya iyada oo dhawaan Baarlamaanka Ruushku meelmariyey shirkaddaha iska leh Websiteyada xiriiriya Bulshadu in Serveradooda ay u soo wareejiyaan Ruushka isla markaana macluumaadka dadka Ruushka aan lagu keydin karin meel ka baxsan Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa horey u ahaan jirey Jaajuus u shaqeyn jirey hay’addii sirdoonka ee Midowga Sofiyeeyti KGB, waxaana uu ka hawlgeli jirey Jarmalkii Bari.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: