Calendar

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Oo Tehran Lagu Soo Dhaweeyey “SAWIRRO”

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo
dhaweeyey magaalada Tehran ee caasimadda wadanka Iiraan halkaasi oo si
rasmi ah dhowaan uga bilaaban doono shirweynaha 9aad ee Midowga
Baarlamaannada dalalka Islaamka OIC.

Wafdiga XIldhibaannada ah waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Tehran
kusoo dhaweeyey Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Tehran,Xildhibaanno
ka tirsan Baarlamaanka dalkan Iiraan iyo xubno ka socda gudiga
qabanqaabada shirweynahan ee IOC ayadoo XIldhibaannadana la dajiyey
Hotelka Persian Azadi Hotel oo ah halka uu ka dhacayo shirka.

Shirka waxa uu furmi doonaa 18ka-bishan ayadoo gebagebadiisana loo
qorsheeyey 19ka-bisha waxaana waxyaabaha ay gudoonka Baarlamaannada dalka
Islaamka ka hadlayaan sii diyaarin doona xubno ka socda guddiyada
Baarlamaannada dalalka OIC oo ay Soomaaliya xubno uga jiraan, waxyaabaha
laga hadlayana waxaa si gaar ah usoo diyaarin doona gudiyada
siyaasadda,haweenka,xuquuqul insaanka, dhaqaallaha iyo arrimaha bulshada
ee dalalka OIC.

Mudooyinkii ugu dambeeyey Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
ayaa waxa uu intabadan ku guuleystay inuu soo ceshto xubinnimadiisa ururro
ay ku mideysan yihiin dalalka badan oo caalamka ah waxaana ka mid ah
Midowga Baarlamaannada Caalamka IPU.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: