Calendar

Xildhibaanno ka tirsan mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya oo gaaray degmada Caabudwaaq.

Xildhibaanno ka tirsan mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay kulammo kula leeyihiin shacabka deegaannadaasi.

Mudanayaasha ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ee gaaray degmada Caabudwaaq ayaa waxaa garoonka diyaarradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Alhu Sunna Waljameeca, iyo shacabka Caabudwaaq.

Xildhibaan C/rashiid Sheekh Xuseen oo ka mid ah mudanayaashii gaaray degmada Caabudwaaq ayaa warbaahinta u sheegay in halkaasi ay u gaareen sidii ay u dhiiri gili lahaayeen shacabka deegaannadaas gar ahaan gobollada dhexe.

ugu danbeyntii xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in ay socdaal ku tagi doonaan guud ahaan deegaannada gobollada dhexe ee lagala wareegay Al-shabaab si ay shacabka ugu wacyo galliyaan nabadda iyo Horumarrinta deegaannada ay gacanta ku heyso dowlada iyo Ahlu Suna .

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: