Calendar

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay socdaan ciidammada Xoogga dalkas sidii loo garsiinlahaa isku filnaasho.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan dadaallo ku aadan sidii ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa heer isku filnaansho ah oo ay dalka dhan ku Difaaci karaan.

Ra’iisul wasaare ku xiggeen ahna wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya mudane Xuseen Carrab Ciise oo warresi siiyay Radio Muqdisho ayaa ka hadlay halka ay marayaan dadaallada ku aadan Tayenta iyo dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in qorshaha la xiriira dhismaha ciidammada Xoogga, la diyaarriyay, isla markaana goor dhow sidii loo qorsheeyay loo furlin doono.

Wasiirka Difaaca ayaa tilmaamay in ciidammada qorshaha loogu talla galay uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan ammaanka dalka ka hor inta aysan dalka ka bixin ciidammada AMISOM, isagoo carrab ka dhuftay in ciidammada dhismahooda uu ka gudbay wajigii horre.

“waxaan diyaarrinay 45 ka mid ah xerooyinkii ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, sidoo kale waanu soo gabagabeenay dhismaha wasaaradda Gaashaandhigga, haddana waxaan wadnaa qoshe ku aadan sidii ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed loo Qalabbeyn lahaa” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga.

Mudane Xuseen Carrab Ciise ayaa hoosta ka xariiqay in guud ahaan ciidammada Xoogga ee ku sugan gobolla dalka oo dhan Tayentooda kor loo qaadayo, si ay u hantaan Difaaca dalkeenna, isagoo intaa raaciyay in Tababarrada Hoose dalka lagu bixin doono, balse Tababarrada Sarre dalka dibeddiisa loogu qaadi doono.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa haddalkiisa kugu soo gabagabeeyay in xaquuqda ciidammada Xogga la gaarsiinayo meel ka wanaagsan meesha ay hadda jooggaan, isagoo tilmaamay ciidammada Xoogga ay waqti dhow ku soo laaban doonaan halkii ay jooggeen ka hor inta aysan bur burrin.

xig radio muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: