Calendar

Xildhibaano Maanta soo bandhigay Mowshin ay ka diyaariyeen Xad-gudubkii Dowlada Kenya(Sawiro iyo Mowshinkii Daalaco).

DSC00947Bartamaha(Muqdisho):-Mowshin ay Sixiixeen in ka badan 40-Mudane oo Baarlamanka Soomaaliya ka mida ayaa maanta si rasmi ah loo soo bandhigay iyadoo Beesha Caalamka laga codsaday in laga wareejiyo Xarumaha hay’adaha Magaalada Nairobi.

Mowshinkii oo qoran oo nuqul ka mida la soo gaarsiiyay Xafiiska Warqabadka www.Bartamaha.Com Muqdisho:-

Ku: Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ee Soomaaliya

Muqdisho

Muqdisho, Feb. 2, 2010

MOOSHIN BAARLAMAAN

Ujeeddo: Dhibaatada ay Hay’adaha Amniga Kenya ku hayaan

Soomaalida

Waxaa jira tacadiyo iyo xadgudubyo baahsan oo ay ciidamada Kenya dhowaan ku bilaabeen Soomaalida joogta dalkaas (kuwa ah muwaadiniin Kenyan ah, ganacsato, xubno ka tirsan Baarlamaanka, Wasiirro, Saraakiil sare iyo madax kale ee Soomaaliyeed. Waxaa dhacey in si aan geed loogu soo gabban loo qaadey olole si gaar ah loogu ugaarsanayo qofka loo garto in uu asal ahaan yahay Soomaali. Waxay qabqabteen Xildhibaanno, wasiirro iyo madax kale ayagoon haba yaraatee aan wax qadarin ah siin baasaboorka Diblomaasiga fiiseysan oo ay haysteen mas’uuliyiinta Soomaaliyeed oo qaar badan oo ka mid ahaa ay Kenya u joogeen shirar iyo siminaarro. Waxay sidoo kale Ciidamada Kenya si xushmad darro ah ugu daabuleen saldhigyada Booliska marwooyin, waayeel iyo caruur da’yar ah oo qaarkood ay ahaayeen soomaali kenyaati ah.

Ayadoo la ogsoonyahay in ay Dalka Kenya maalin kasta soo galaan tobannaan kun qofood oo dunida dacallaheeda ka kala yimid, ayaa waxaa dadka Soomaalida ah si gaar ahaaneed loogu bartilmaansadey fiiso ha haysto ama yeysan haysane.

Waxaa noqdey wax aad looga fajacey hadalladi ka soo yeeray Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Kenya oo halki ay raalli gelin ka bixin lahaayeen ficilladi iyo waxyeelladi ay geysteen ciidamadoodu, si jees jees ah u yiri “Madaxda Soomaaliyeed Dalkoodi ha aadeen ama qaxooti ha isu dhiibeen”.

Waxaa, haddaba, is-weydiin leh miyeysan ogeyn madaxda Kenya in muddada 20ka sano ah oo ay Soomaalida halakeeyeen dagaallo sokeeye, in halka laga maamulo Soomaaliya ay ahayd Nairobi. Miyeysan ogeyn in ay Nairobi fadhiyaan wakiillada Dalalka deeq bixiyeyaasha ah, Ha’adaha UNka, iyo safiirrada dunida u qaabishan arrimaha Soomaaliya. Miyeysan la socon in xataa hawada Soomaaliya (Somali civil aviation service) laga maamulo Nairobi. Miyeysan ogeyn in ay Kenya tahay halka ay madaxda Soomaalidu dunida inteeda kale ka sii aadaan oo macnaheedu yahay waddada ay Soomaalidu ku tagto Dunida waxay sii martaa Nairobi. Waxaa xaqiiq ah in arrimahan oo dhan ay siyaabo kala duwan uga helaan Kenyaanku faa’iidooyin aan la qiyaasi karin. Waxaan mitaal ahaan u soo qaadan karnaa bqollaalka malyan doolar oo ay Beesha Caalamku sanad kasta uggu deeqdo Soomaaliya, deeqahaas oo gebi ahaan laga maamulo Kenya gudaheeda.

Soomaalida Kenya ku ah qaxootiga waxaa bar bar jooga soomaali kale oo maalgashi baaxad weyn (large investment) ku sameeyey isla Kenya gudaheeda, ha ahaato ganacsi, dhismeyaal, gaadiidka xamuulka iwm.

Waxaa xusid mudan in, in muddo ahba, gudaha Kenya laga buun buuninaayey in dhaqaalaha ay Soomaalidu ku leedahay Kenya uu yahay mid ka yimid Burcad badeedda taas oo u muuqata in loo dig-dig leeyahay sidi Soomaalida hantideeda loo dhici lahaa.

Aydoo aan la soo koobi karin danaha wejiyada badan oo ay Kenya ka hesho Soomaalida dalkeeda ku sugan ayey haddana Kenyaanku u bareereen in ay ihaaneyaan kuna tacaddiyaan ayagoo caadiyan ula dhaqma si ka baxsan bani’aadnimada.

Hadaba, Xildhibaaannada soo jeediyey Mooshinkan, ayagoo growsadey waajibaadka ka saaran Barlamaanka ilaalinta karaamada Qaranka iyo shacabka  Soomaaliyeed, waxay ka codsanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka in ay go’aamiyaan qodobbada soo socda :

1- In la weydiisto Dawladda Kenya in ay cudur daar ka bixiso dhibaatooyinki iyo tacaddiyadi lagu sameeyey Soomaalida. Haddi ay cudur daar bixin weydana dib loogu noqdo xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax wada qabsi ee Dalkeenu la leeyahay Kenya.

2- In deg deg looga raro Kenya Hay’adaha UNka iyo kuwa kaloo caalamiga ah oo ku shaqada leh Soomaaliya, ayadoo gebi ahaanba loo rarayo Dalka Djibouti ilaa uu Dalku ka gaarayo degganaansho. Dawladda Soomaaliyeed wax wada shaqeyn ah lama yeelan doonto Ha’addi u hoggansami weyda go’aankan.

3- In codsi rasmi ah loo diro Hay’adaha xuquul-insaanka in ay baaritaan ku sameeyaan, si gaar ahna ula socdaan xadgudubyada ay Dowladda Kenya ku hayso Soomaalida.

4- In la weydiiyo Xukuumadda Soomaaliyeed sababta ay uga bixin weydey jawaab u dhiganta ihaanooyinka iyo xad gudubyada ay kenyaanku u geysteen Madaxda iyo shacabkaba Soomaaliyeed.

5- In la mamnuuco soo dejinta suntan cagaaran (QAADKA) oo ay Kenya u soo dhoofiso  Soomaaliya ayagoo nooga bedesha malaayin doolar.

6- In la mamnuuco in aan Dalka Kenya loogu qaban karin Soomaalida shirar, seminaarro iyo kulan kastoo ay Soomaalidu qayb ka tahay ayadoo loo wareejinayo arrimahaas oo dhan Dalalka Djibouti, Uganda ama Ethiopia.

7- In lagula taliyo Soomaalida ay hantida faraha badan ka taal Kenya in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu wareejistaan dhaqaalahooda meelo kale sida Uganda, Ethiopia Djibouti iyo dalal kale.

8- In qof kastoo ka tirsan TFG derejaduu doono ha ahaadee uu deg deg u soo galo Dalka si uu uga badbaado dhibaatooyinka ay Dawladda Kenya u qorsheysey Soomaalida.

DSC00947

DSC00955

DSC00960

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: