Calendar

Labo askari Taraafiko oo maanta lagu dilay Mugdisho

BARTAMAHA – Warar hada soo baxaya ayaa sheegaya in Degmada Waabari maanta lagu toogtay labo askari oo taraafiko ah kuwaas oo ay toogteen labo nin oo dhalin yaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa  waxaana goobta iskaga baxsaday raga dilka geestay .

Degmada Waabari ayaa waxaa goor dhaw lagu dilay labo askar taraafiko ah sida ay sheegayaan dad goobta Falku ka dhacay ku sugan waxaana  ay sheegayaan wararku in labada askari maydkoodu yaalo Goobtii oo aan wali laga qaadin .

Ciidamo dheeraad ah oo kuwa Amaanka ah ayaa waxaa  ay gaareen Goobta Falku ka dhacay iyagoo Baaris ka sameynaya xaafadaasi ilaa hadana lama soo sheegin Cid loo qabtay Dilka labada askari .

Sidoo kale maalmo ka hor ayay ahayd markii Degmada waabari isgooska dabka lagu dilay labo taraafiko ah kuwaas oo sidaan oo kale kuwii dilay ay iskaga baxsadeen Goobta waxaana maal mahaan dambeinta lagu jiray bisha Ramadaan  soo badanayay dilalka askarta Dowladda iyo mas,uuliyiin intaba

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: