Calendar

Maamulada Goboladda Dhexe oo qaadacay Hadalkii R/W C/wali

pmMaamulada ka jira goboladda dhexe sida Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug ayaa si kulul uga soo hor jeestay hadal dhawaan Raysul wasaare Cabdiweli uu sheegay oo ahaa in Maamul kumeel gaar ah loo Samaynayo Gobolada Dhexe.

Sheikh C/risaaq  Cali Yuusuf Al-ashcari,Cuuke Xaaji C/rixmaan, iyo  Cumar Maxamed Guureeye oo dhamaantood ah Mas’uuliyiin u hadlay Maamuladda Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan hadalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ah in Maamul loo dhisayo Dadka Daga Gobolada Dhexe.

Sidoo kale waxay Mas’uuliyiinta sheegeen in Dadka ku nool Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ay hore uga Tashadeen Aayahooda islamarkaana ay wadaan Qorshe Maamul loogu dhisayo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya,kaas oo Gogashii lagu dhisilahaa ay taalo Gobolada Dhexe.

Maamuladda Gobolada Dhexe ayaa wax laga Xumaado ku sheegay hadalka Ra’iisul wasaraha Soomaaliya,maadaama ay sheegeen in uu Faragalin ku hayo Maamul laga dhisayo Gobolada Dhexe ee Dalka oo dhismihiisu uu gabo gabo marayo.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: